Qolka Dhaqanka

xeer ciise

xeer ciise
DHAQAN
Text

"EEBBAHAY XUGUN BUU IGA ABUURAY,

AABBAHAYNA XEER BUU II DHIGAY"

Xeerka beesha Ciisaha waxa la dhigay dhammaadkii qarnigii lix iyo tobnaad. Haddaba waqtigaa reer Yurub halkay marayeen? Hooggaanka ayaa u hayay? Qaabka ay u fikiraan midab kuu laaha? Su'aalahaas haddaan ka jawaabo, waagaa reer Yurub waxa usha u hayay wadaaddo masiixi ah. Awoodda dhaqaale iyo ciidan waxa ay gacanta ugu jirtey cid leh hayb diineed, ma na jirin milaygaa dhaqdhaqaaq kale. Ku darsoo waagaa ma jiriin xidhiidh ay reer Yurub la leeyihiin Geeska Afrika oo aanan ahayn duulan.

Murtidii laga soo guuriyey aqoonyahankii Geeddi Dadar baa tidhahda "Eebbow ha igu cadaabin siday ii la egtahay, eexadaydana ha igaga tegin!" Geeddi wuxuu tilmaamayey in xeerku yahay garasho aadami ee uusan ahayn waxyi Eebbe ka yimid oo lamataabtaan ah. Xeerku wuxuu yeelan karaa qumanaasho iyo qalooc ba ama, haddan si kale u dhigo, sax iyo khalad, waxyiguse waa lama-taabtaan.

Aragti kale baa odhanaysa xeerku waa garasho iyo gaax aadami. Runtii xeerku waa male rag uu door moday oo uu ku heshiiyay, qiimeeyuhuse waa in uu ogaado samanka la joogay iyo noloshu halka ay maraysay, xag siyaasadeed, xag dhaqaale iyo xag nabadgelyo ba. Waqtigaa xaaladdu way murugsanayd, dhaqaaluhu uu liitay, amniguna uu habacsanaa.

Garsoorku ma lahayn rukunno adag oo uu ku qotomo, ma na jirin xeeldheerayal u carbisan garsoorka. Dawlad dhexe ma jirin oo waa la dunshay. Dawlad diin ku salaysan oo awood leh oo sheegata dhul iyo dad oo cilmaaniyad keenti ma jirin waqtigaa. Bulshadu waxay ku jirtay halis, xag diineed iyo xag jiritaan ba, waxayna qarka u saarnayd burbur. Si haddaba bulshada iyo jiritaankeeda loo bedbaadsho, xeerbeegtidii waqtigaa waxa ay garteen in yagleelaan xeer, waayo murti soomaaliyeed baa odhanaysa "reebidii nin ogaa, reer hareer ma furo".

Bulshadii soomaaliyed ee hore ma ay lahayn far ay wax ku qorto oo ay ku reebto dhacdadii milaygaa. Qalabka ay u adeegsanaysay reebitanka tariikhdu waxa uu ahaa suugaanta, maahmaahyaha, murtida, halxidhaalaha iyo wixi la halmaala. Weedha "aabbahay xeer buu ii dhigay" waxay sheegaysaa dedaalkii odayada ee ku aaddanaa waxqabadkoodii xeerka si loo xasuusnaado ee kama dhigna heshiis diin lagu fogaynayay.

Laba kooxood baa weedhaa ka bixisay macne: koox sheegaysa in xeerka Ciisuhu ka dhashay cilmaaniyad ka curatay Geeska Afrika ka hor intii ay ka dhalan Yurub oo ku faanaysa iyo koox kale oo lid ku ah ta hore oo qabta aragti sidaa ka geddisan oo ku biyo shubanaysa "cilmaaniyad wixii u eg ba waa faddare".

Xeerka lagu ma samayn baadhitan qooto dheer oo cadaynaya ujeedadiisa rasmiga ah, lama na dooxin baacugiisa oo lama ogaan qaaxadiisa. Si loo xafido xeerka oo lo illaawin, odayadu waxay adeegsadeen ereyo qafiyad leh, sida dhiig, dheer, dhaqaaqal, dhul, dhible, dhimasho, dhaawac, xeer, xaagan, jaban, jareexo, madax, mindhicir iyo kuwo la halmaala. Xeerka waxa sal u ah labo kabood oo la yidha "kab iyo karin" oo ka dhigan, kolka laga fiiriyo xagga Usuulal-Fiqiga, "daliil iyo qiyaas". Aqoonta shareecada ayaa hagaysay xeer-beegtidii fadhiisatay gunburta Sitti, waayo bulshadu diinta Islaamka ayay ku abtirsanaysay oo ay ka shiidaal qaadanaysay. Culumo ku xeeldheer cilmiga Fiqiga ayaa ka qaybqaatay yagleelka xeerka. Waxa taa marag u ah, qaybo ka mid ah beesha Ciisahu waxay ku abtirsadaan odayo magacdooda u ku ladhan yahay ereyga «fiqi», sida Fiqi Yoonis, Fiqi Cabdalle, Fiqi Jibriil, Fiqi Xaaji… Magacyadaasi waxay caddaynayaan in waagaa ay jireen rag aqoonyahanno ah oo Qur'aanka iyo cilmiga Diinta ku talaxtegay.

Biyadhaca hadalkayga an abbaaro e, labada kooxood, ee ku muransan cilmaaniyadda xeerka ee isku maandhafsan, doodoodu waxay caddaynaysaa in ay jirto taariikh fac weyn iyo aqoon cilmiyaysan oo uu hagayo koboc caqli oo garaadmaal ah.

Diinta Islaamku ilaalin iyo daryeel bay u fidisay aadamaha, kolkay u kala soocday shanta walxood ee kala ah: nafta, maalka, caqliga, diinta iyo sharafta, shantaas qaybood oo ah salka jiritaanka qofka islaamka ah. Shanta walxood baa sal u ah xeerka beesha Ciisaha oo leh falsafad islaamiya. Xeerka Ciisuhu wuxuu ka buqdhaday harta miirta ee diinta islaamka.

Xeerka beesha Ciisuhu wuxuu leeyahay lix kabood, ama haddaan si kale u dhigo xeerku wuxuu u kala baxaa lix qaybood oo kala ah: dhiig, dheer, dhaqaaqal, dhul, dhaqan iyo dhible. Lixdaa kabood waxay xidhiidh la leeyihiin shanta walxood ee aan kor ku soo xusnay ee afka carabiga loo yaqaanno "kulliyaati khamsa". Cid aan oqoon u lahayn walxahaas shanta ahna ma ay qaabayn karteen xeerka Ciisaha.

Qofka raba in uu qiimeeyo ama ka faalloodo xeerka waa inuu u dhaqaaqo baadhitaan qoto dheer oo uu kaga sal gaadhayo ujeeddooyinkiisa, isagoo aanan u xaglinayn labada kooxood ee ku hirdamaysa xeerkaas iyo cilmaaniyadda, waayo murti soomaaliyeed baa odhanaysa "addin waa la dhibaa, ilna waa la dhawra".

Abuubakar Fariid Buux

0 faallo 88 daawasho

Faallooyinka

Wali faallo ma jiraan.