GUDDI / ( Awoodda Garsoorka )
Hore waxaan uga soo hadalney laba ka mid ah saddexda awoodood ee Nidaam-siyaasadeedka dhaqan ee Ciise ku dhisan yahay kuwaas oo ahaa:
1. Ugaaska
2. Gandaha
Haddaba waxa aan qaybtan kaga hadaleeynaa awoodii saddexaad oo ah .
3- (Guddi) waa Gole u xilsaaran fasiraadda xeerarka iyo ku dabaqidda xaqiiqada dhabta ah marka ay soo baxaan dacwado iyo khilaafaadyo kala duwan. Waxa kale oo uu leeyahay awoodda uu ku soo saarayo qodobka xeer ee ku habboon dhacdo kasta, isaga oo ka duulaya oo ka soo dheegaya mabaadi’da iyo xeerarka aasaasiga ah ee salka ku haya Xeerka Siti kaas oo ay bulshadu dhaqan ahaan u aqoonsanayd uguna dhaqmi jirtay.
Sida caadiga ah, Guddigu wuxuu ka koobnaa boqol xubnood, kuwaas oo lagu soo xuli jiray aqoontooda iyo garashadooda qoto dheer ee xeer-dhaqameedka ay wadaagaan lixda reer ee Ciise. Hase yeeshee, ka-qaybgalka dhammaan xubnaha guddigu ma ahayn waajib mar kasta iyo dacwad kasta; tirada garsoorayaasha loo yeedho waxay ku xirnayd nooca iyo culayska kiiska la hor keenayo.
Mararka qaarkood, guddigu wuxuu ka koobnaan jiray lix xubnood, mararka kalena laba iyo toban xubnood, halka xaaladaha qaarkoodna ay gaadhi jireen afar iyo afartan xubnood. Dhammaan xubnaha guddigu waxay si wadajir ah u kulmi jireen oo keliya marka dacwaddu tahay mid culus oo saamayn weyn ku leh danta guud iyo maslaxadda bulshada.
Gaar ahaan, isu imaatinka buuxa ee guddigu wuxuu muhiimad gaar ah lahaa xilliyada la qabanayo doorashada Ogaasyada, iyo sidoo kale dacwadaha waaweyn ee la xiriira dhiigga iyo magta (diyada), kuwaas oo ka mid ahaa arrimaha ugu xasaasisan uguna miisaanka culus nidaamka xeer-dhaqameedka bulshada.²
Qore : Aden Cismaan Dharaar
Faallooyinka
Wali faallo ma jiraan.