Wararka & Ogeysiisyada

Shirqoolka "Sandheere"

Shirqoolka "Sandheere"
news
Text

Shooladda wasiir sandheere waa foosto Cusub oo loo soo riixayo Selel iyo Awdal .

Marka la qiimeynayo shirarka waxa lagu qiimeeyaa habraacyada cilmiyeysan ee loo diyaariyo taas oo midhaheeda laga helo natiijada ka soo baxda.

Hadaba hadii aan eegno shirkii  Geerisa waxaan kala soo baxaynaa in natiijadiisu ku cadaatey shirkii jaraa'id ee wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Cabdalla sandheere dhawaan ku qabtey magaalada Hargeysa.

Kaas oo weedhaha ka soo baxayayey xanbaarsanaayeen isir nacayb.

Shir- saxaafadeedkaasi waa aflagaaddo meel ka dhac ku ah beelweynta Ciise iyada oo ayna cidna ka qarsoonayn in Ugaaska beesha Ciise yahay astaanta guud iyo awoodda u sareysa ee beesha Ciise oo saddexda wadan ee kala ah Etiopia- Jabuuti iyo Somaliland daga.

 Waxaa cad inuu wasiirku indhaha ka laabtay xaqiiqada dhabta ah. Sandheere markii uu dhadhamiyey weedhihii  Haa iyo Maya ee dacarta ku noqdey ayuu raadiyey darbi uu wajiga saaro kaas oo noqday shirkii  Geerisa. 

Bulshada Somaliland waxa u cadaatey in shirkaasi ahaa mashruuc huwan magac nabadayn laba beelood xaqiiqadiisuna noqotay mid lagu dhaco hantidii  qaranka iyo canshuurta muwaadiniinta tabaaleysan taas oo Geerisa lagu qaybtamey .

Shir saxaafadeedka oo ahaa mid uu ummadda Somaliland lagu marin hababinaayey waxa uu na xasuusinayaa shirar - saxaafadeedkii uu qaban jirey Maxamed saciid Saxaaf wasiirkii warfaafinta Ciraaq wakhtigii dagaalka khaliijka. 

Wasiirku Waxa uu sheegay in aanu arag reero is diidey .Waxa kale uu raaciyey in uuna maqal qabiil qabiil kale ka cabanaya.

 Hadaba waxa is weydiin leh shirkii Geerisa ka dhacay ma waxa uu ahaa aroos qaran oo geerisa ka dhacay  wasiirkana lagu casuumey ?

Waxa kale oo wasiirku sheegay in Ugaaska beesha Ciise loo baahneyn maadaama uuna Somaliland aheyn. 

Waxa kale oo uu iloobey in Diri-dhaba ahayd xarunta lagu yagleelay Somaliland gaar ahaan goobtii SNM ku gaadhey guusheeda.

 Wasiirku Waxa waxa le uu iloobey in Ugaaska beesha Ciise Ugaas Xassan- ilaahay ha u naxariistee- ahaa ugaaskii ku baaqay in xasuuqa ku socdey beesha Isaaq looga gurmado.

Waxa uu iloobey in cida ku dhimatay xeebta ay ku socdeen baaqii Ugaaska.

 Waxa seegtey wasiirka in dhacdadii ka dhacdey dacawley ay guurtida, wasiirada iyo hogaamiye dhaqameedka Somaliland ka taliyeen degaanka dacawaleey.

Mudane wasiir degaankaasi ma waxa uu ku yaalaa Somaliland ? bal waxaad is qabadsiisaa mudane wasiir odayo dhaqameedka Dacawleey oo Itoobiya ka tirsani waxa ay talo ugu leeyihiin Somaliland kuwa Diri- dhaba joogaana arin ugu lahayn Somaliland ?

Waxa kale oo wasiirku carabka ku dhuftay in cid kale ka danbeeyso shaqaaqadda galbeedka Somaliland taas oo uuna soo bandhigin wax Cadeymo ah. Horaa loo yidhi nin daad qaaday xunbo cuskey.

Gunaanadkii waxaan shacabka Somaliland u sheegeynaa in beesha Ciise oo dhaqan ahaan ah beel nabadeed ay ku adagtahay in ay qaadato afgambiga wasiirku wado oo ah in ciisaha loo abuuro suldaano caanteyno ah oo gacanta lagu sito .

beesha Ciisna waxaan baaq dheer ugu diraynaa in ay ka hor tagaan qorshaha afgambiga ee uu taliska naflacaariga ahi wato .

"Ninka dhuumanayee dhabarku muuqdoow waa Dharaar lagu dhawrayaaye dadkaaga dhinac ka raac."


Dalmar C12

0 faallo 131 daawasho

Faallooyinka

Wali faallo ma jiraan.