Ku soo dhowaada GANDE MEDIA. GANDE MEDIA waa madal warbaahineed oo loo aas-aasay inay noqoto goob lagu baahiyo warar sugan, laguna kobciyo fahamka dhaqanka, aqoonta, iyo wacyiga bulshada. Ujeeddada ugu weyn ee boggan waa inuu si joogto ah u soo bandhigo wararka la xiriira dhaqanka, arrimaha bulshada, taariikhda, iyo isbeddellada saameeya nolosha dadka. Waxaan ku dadaaleynaa in xog kasta oo aan baahinno ay noqoto mid la hubiyey, sax ah, oo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale, boggan waxaad ka heli doontaan doodo furan iyo falanqaynno toos ah oo u oggolaanaya akhristayaasha iyo daawadayaashu inay ka qayb qaataan is-dhaafsiga fikradaha ku saabsan arrimaha bulshada. Waxaan aaminsanahay in wada-hadal furan uu yahay furaha isfahamka, horumarka, iyo mideynta bulshada.
Intaa waxaa dheer, GANDE MEDIA waxay qaban doontaa waraysiyo toos ah oo lala yeesho shakhsiyaad kala duwan, sida aqoonyahanno, hal-abuurayaal, hoggaamiyeyaal bulsho, iyo dad saamayn ku leh bulshada, si loo iftiimiyo aragtiyahooda, waaya-aragnimadooda, iyo talooyinkooda waxtarka leh. Waxaan sidoo kale si joogto ah u soo bandhigi doonnaa fikrado cusub, cilmi-baarisyo, iyo warbixinno tayo leh. Waxaan rumaysanahay in tallaabada ugu horreysa ee la qaado ay tahay saldhigga lagu gaadho himilooyinka waaweyn iyo guulaha mustaqbalka.
Waxaan rajaynaynaa inaan kasbanno kalsoonidiinna, annagoo idiin soo gudbin doona warar sugan, warbixinno la xaqiijiyey, falanqayn qoto dheer, iyo hab-dhaqan suuban oo ku dhisan daacadnimo, dhexdhexaadnimo, iyo xirfad.
Maqaalada, sawirrada, iyo fiidiyooyinka dhaqanka Soomaaliga ah oo dhammaantood hal meel.
Ogeysiisyada muhiimka ah iyo wararka bulshada si toos ah oo degdeg ah.
Live-yada la qorsheeyay, ka qaybgalka bulshada, iyo diiwaangelinta go'aamada la gaartay.
War la helaa, talo la helaa.
Maahmaah Soomaali